Coronavirus: Trump oo Mareykanka uga digay in dhimashada ay sare u kici karto

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu dadka dalkiisa uga digay inay isu diyaariyaan sare u kac ku yimaada dhimashada ka dhalanaysa cudurka coronavirus, isagoo sheegay in Mareykanku uu wajahayo labadii todobaad ee ugu adkeyd ee cudurkan safmarka ah.

Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in magaalada New York loo daadgureynayo kun ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ah ee ciidammada milateriga, magaaladaas oo uu fara ba’an ku hayo cudurkaasi.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad ee looga arrimiyo waddankaasi Mareykanka ayuu Mr Trump waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay amartay in la sameeyo 180 milyan oo waxlaha afka lagu xirto ah.

US President Donald Trump, flanked by US Vice President Mike Pence, at the White House press briefing, 3 April 2020

Gobolka New York ayaa waxaa laga diiwaan-geliyay 630 kiis oo dhimasho ah taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 3,565 qof.

Duqa magaalada New York Andrew Cuomo ayaa sheegay in tirada ay sare uu sii kici karto labada toddobaad ee socota.

Mr Cuomo ayaa sheegay in gobolka uu baadigoob ugu jiro qalabka dadka ka caawiyo neefsashada oo dheeraad ah. waxa uu mahad celiyay dalka shiimaha oo ugu deeqay 1,000 oo qalabkaasi ah.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu Mr Cuomo uu u xaqiijiyay in New York ay heli doonto kharashaadka ay u baahan tahay.

Mareykanka ayaa waxaa laga xaqiijiyay 300,000 oo kiis oo fayraska Corona ah, halka dhimashaduna ay kor u dhaaftay 8,000 oo qof.

Talyaaniga iyo Spain ayaa ah labada dal oo uu aad u dillooday fayraska Corona kuwaasi oo tirada dunida ugu badan ay ka dhimatay ayaa haatan labaduba waxaa laga soo sheegayaa iney gaareen hormar lagula tacaalayo xanuunkan saf-marka ah.

PANORAMA IMAGES/GETTY IMAGES

Spain ayaa waxaa iyada laga soo weriyay tiradii dhimashada ugu yareyd 10-kii maalmood ee la soo dhaafay halka Talyaaniguna ay weli hoos u sii socota dhimashada maalin laha ah ee Coronvirus.

Talyaaniga iyo Spain ayaa laga soo tabiyay dhimashada ugu badan ee la xiriirta xanuunka Covid-19 hase yeeshee labadan dal ayaa ugu dabeyn rajo muujinaya.

Waxayna labaduba aysan haatan diyaar u ahayn iney khafiifiyaan amarradii lagu soo rogay dhaq-dhaqaaqa oo Spian iyada muddo labo toddobaad ah ayayba ku sii kordhineysaa xayiraaddii saarnayd dalkeeda.

.

Raysal-Wasaare Pedro Sanches ayaa sheegay in hogaamiyeyaasha mucaaradka uu ka codsady iney taageeraan qorshaha bandowga loogu kordhinayo laba todoobaad oo dheerad ah.

“Waan ogahay sida ay u adag tahay dadaallada iyo naf huridda laba toddobaad oo kale nalooga baahan yahay. Waana fahmayaa. Dhammaanteenba maalmihi la soo dhaafay waxay nagu ahaayeen kuwa aad u adag”.

Guud ahaan dunidana dhiamshadu waxay gaadhaay 60,000 oo qof halka 1.1 milyan oo qofna laga heley xanuunkan saf-marka ah.