Coronavirus: Trump Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedeeymo Loo Soo Jeediyay

Madaxwaynaha oo shir jaraa’id ku qabtay aqalka cad ayaa ku adkeystay in wax badan oo sax ah uu sameeyay.

Waxaa uu inta ku daray in tallaabooyiinkii uu qaaday uu ku badbaadiyay boqolaal kun oo qof oo u dhiman lahaa feyriska Corona

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donold Trump ayaa isku tilmaamay inuu yahay nin cajiib.

Madaxwaynaha ayaa cambaareeyay saxafiyiinta sheegaya in uu ku guuldareystay u diyaar garowga feyriska Corona.

Mr Trump ayaa ku tilmaamay eedeeymahaasi been abuur iyo mid waji gabax ku ah saxaafadda.

Dhanka kale madaxwayne Trump ayaa sheegay in uu awood u leeyahay in uu qaado xayiraadaha lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa shacabka.

Madaxwaynaha ayaa farta ku fiiqay in imika uu gabagabo marayo qorshaha ay ku doonayaan in dib loogu furo dhaqaalaha dalkaasi Mareykanka.

Maamulka madaxwayne Trump ayaa waxaa uu qorshahoodu yahay in xayiraadda la qaado 1 bisha May ee soo socota.

Balse markii ay wariyayaasha waydiiyeen in uu awood sharci u leeyahay qaadida xayiraadda maadama madaxda gobolada ay wali ku adkeysanayaan in ay guriyahooda joogaan ayuu ku: “Marka uu qof yahay madaxwaynaha Mareykanka awoodiisu waa mid guud.

Balse waxaa hadalka madaxwaynaha ka soo horjeedsaday qaar ka mid ah barasaabyada gobolada Mareykanka.

Mareykanka ayaa noqday dalka tirada ugu badan uu cudurka soo ritay islamarkana ay ku dhinteen tirada ugu badan guud ahaan caalamka.

Waxaa uu feyriska Corona soo ritay dalka Mareykanka 682,619 qof, halka tirada dhimashada ay imika mareyso 23,608 oo qof.