Coronavirus: Tuunisiya oo boolis robot ah u adeegsanaysa dhaqangelinta bandowga

Boolis robot ah ayaa waxaa loo daadgureeyay inay gaafwareegaan deegaannada caasimadda Tuuniisiya, ee Tuunis, si loo xaqiijiyo in dadka ay adeeceen xayiraadda coronavirus.

Haddii ay mishiinta dareento in qof uu ku dhex lugaynayo waddooyinka haawanaya, waa ay soo aadaysaa waxa ayna waydiinaysaa sababta ay bannaanka u joogaan.

Dadka waxaa qasab ku ah inay robot-ka tusiyaan warqadahooda aqoonsiga iyo dikumintiyada kale ee ay wataan, markaas oo ay hubin karaan ciidammada robotkaasi hagaya.

Waa todobaadkii labaad ee Bandow dalka oo dhan ah uu dalkaas ku jiro si loo xakameeyo fayraska, kaas oo dilay 14 qof.

Qofkasta waa inuu gurigiisa joogaa, hasayeeshee dadka ayaa waxaa loo ogolyahay inay bannaanka aadaan marka ay soo gadanayaan dawooyin iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah.

Dalkan ku yaal Waqooyiga Afrika ayaa haatan waxa uu cudurka Covid-19 ka dabiibayaa 436 qof.

Siduu robot-ku u shaqeeyaa?

Ma ay cadda tirada mishiinnada robot-ka ah ee ay Tuuniisiya samaysatay ee lagu magacaabo PGuards, ee ay daadguraysay wasaaradda arrimaha gudaha.

A Tunisian police robot patrols along Avenue Habib Bourguiba in the centre of the capital Tunis on 1 April 2020

Ninka sameeyey mashiinkan Enova Robotics ayaa BBC-da u sheegay inay tahay arin sir ah. Waxaa sidoo kale la diiday in mashiinkan lagu dhejiyo qiimaha la gado.

Mashiinkan oo sida gawaarida leh afar taayar waxaa ku xiran kaamaro wax sawirta iyo aalad ama nal wax soo jiita taasoo sida raadaarka u shaqaysa balse ah nal ifaya.

Wasiirka Amniga ayaa muuqaalka mashiinkan robot-ka ah soo dhigay Facebook-ga taasoo looga dan leeyahay in lagu fuliyo amarrada la xiriira bandow la soo rogay.

Dadka qaar ayaa soo dhoweeyey tallaabadan halka kuwo kalena ay sheegeen in robot-kani uu si tartiib ah u socdo.

Balse muuqaalo kala duwan oo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya mishiinkan oo loo yaqaano PGuards oo joojinaya nin una sheegaya inuu ogyahay inuu jiro bandow, ninka ayaa waxa uu ku jawaabayaa inuu doonayo inuu sigaar soo iibsado.

Robot-ka ama mishiinka ayaa markaasi kaddib waxa uu ninka u sheegayaa inuu sigaarka doonto uuna dhaqsado gurigiisana aado.

Ka hor inta uusan xanuunkan Coronavirus dunida ka dilaacin macaamiisha shirikadda mishiinka soo saartay waxay ahaayeen oo kaliya shirakad gaarka loo leeyahay.

Shirkadda robot-kan samaysay oo degan magaalada Sousse ee dalka Tuuniisiya ayaa sidoo kale soo saarta qalab mishiinno ah oo adeega caafimaadka loo isticmaalo.

Waxayna shirkaddu sheegtay in mashiinnada si hordhac ahaan loo isticmaali karo in lagu ogaado xanuunnada qaar, dhowaana waxaa loo isticmaali doonaa isbitaalada caasimada Tuunis.

Tallaabadani ayaa waxa ay wax ka tari doontaa in la yareeyo istaabashada dhaqaatiirta iyo bukaanka la dawaynayo.

Farsamada isticmaalka mishiinnada robot-ka iyo qalabka macmalka ah ee sida caqliyaysan wax u sameeya ayaa isticmaalkoodu uu aad ugu badanayay dalka Shiinaha.