Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Xanta Suuqa Ugu Jirta

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa mustaqbalkiisa kala hadlay waxa ka jira warar suuqa ku jiray oo sheegayay inuu ka tegi doono Turin marka uu dhamaado xili ciyaareedka, kaddib markii uu dhaqaalaha kooxdaas saamayn ku yeeshay xanuunka Coronvirus.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Tuttosport, Cristiano Ronaldo waxa uu ku wargeliyey kooxdiisa in qorshihiisu yahay inuu dhamaysto heshiiskiisa oo uu joogo Turin ilaa inta laga gaadhayo xagaaga sannadka 2022, iyadoo aanu maanka ku haynin in dhibaatooyinka dhinaca dhaqaaluhu ay saamayn ku yeeshaan sii joogistiisa Turin.

Wargeysku waxa kale oo uu tilmaamay in xidhiidhka ay Juventus la leedahay Cristiano Ronaldo, gaar ahaan qaabka ay u macaamilaan agaasimeyaasha iyo waaxyaha maamulku ay aad u wanaagsan tahay, taasina ka caawinayso inay sii jirto deggenaansho oo uu meesha ka baxo walaaca ka dhashay qaabka uu ciyaartoygani ugu guuray Madeira xilligii ay dhibaatada xanuunka Coronavirus ka dillaacday Talyaaniga.

Dhinaca kale, Cristiano Ronaldo ayuu wargeysku sheegay in ay ku adkaan doonto inuu helo koox kale oo siisa mushaharka waallida ah ee uu sannadkii ka qaato Juventus oo ah 31 milyan oo Euro, haddii uu ka tago kooxdiisana ay noqon doonto inuu maro shuruucaha naadiyada uga yaalla ciyaartoyda ay da’doodu ka weyn tahay 35 jirka oo intooda badan ka xannibaya inay heshiisyo sannad ka badan siiyaan, isla markaana ay mushahar wareer ah u bandhigaan.

PSG oo ah kooxda la tilmaamayay inay shuruudaha Ronaldo u wada oofin karto, ayaa hadda ka walaacsan sida ay u bixinayso mushaharooyinka badan ee ay qaataan Neymar Jr iyo Kylian Mbappe, isla markaana aan karaynin culays kale oo soo fuula.