Dawo Uu Coronavirus U Sameeyay Madaxweynaha Madagascar Oo Laga Digay

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in aanay jirin dawo la xaqiijiyay in lagu dabiibi karo cudurka Covid-19, kadib markii uu madaxweynaha Madagascar soo bandhigay dawo dhireed uu sheegay inay ku fiyoobaanayaan dadka qaba faysarka Corona.

Mac-hadka dawooyinka qaran ee dalkaasi ayaa sidoo kale shaki geliyay waxtarka dawada uu soo bandhigay madaxweyne Andry Rajoelina.

Mac-hadka ayaa sheegay in dawo dhireedkaasi ay khatar gelin karto caafimaadka dadka, maadaama aan qaab cilmiyeysan loo hubin waxtarkeeda.

Dawada oo qaab sharoobo ah ayaa si bilaash ah loogu qeybiyay dadka ugu nugul dalkaasi.

Sharoobada uu madaxweyne Andry Rajoelina sheegay inay dawo u tahay Covid-19 ayaa laga sameeyay dhirta loo yaqaan artemisia ee qeyb ahaan kamid ah dawada lagu dabiibo cudurka malaariyada iyo dhir kale oo ka baxdawaddankaasi.

Agaasimaha madaxtooyada Madagascar, Lova Hasinirina Ranoromaro, ayaa BBC u sheegtay in ku dhawaad 20 qof muddo saddex todobaad ah lagu tijaabinayay dawadan.

Madaxweyne Rajoelina ayaa sheegay in laba qof ay si buuxda ugu dawoobeen sharoobada uu ku tilmaamay “shaah dhireed”.

“Waa in carruurta ardayda ah ay cabbaan….. xig yar ay maalintiiba ka cabbaan,” ayuu madaxweynaha u sheegay diblomaasiyiin iyo madax kale oo kasoo qeybgalay soo bandhigidda dawadan.

Exit mobile version