Ceerigaabo(GNN):-Waxaa gebi ahaanba la joojiyaya dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo maraya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, dagaal laba beelood u dhexeeya oo halkaas ka qarxay awgeed.
Dagaal beeleedkaasi ayaana sababay in la joojiyo dhismaha jidkaasi, maadaama oo shaqaalaha ka shaqaynaya dhismaha Waddadaasi iyo qalabka lagu shaqaynaya-ba amaankoodu uu halis ku jiro.
Sidaasina waxaa shaaca ka qaaday maareeye ku-xigeenka hay’adda wadooyinka Somaliland Mustafe Maxamed Qalab.
Waxaanu tilmaamay in ay si deg deg ah uga guurayaan deegaanka Fadhi-gaab Saacadaha soo socda, isla markaana ay shaqaalahoodda iyo qalabka-ba ula guuri doonaan meel kale.
Waxaanu yidhi, “Goobtii aan ka shaqayn lahayn oo ahayd fadhi-gaab, waxaa nagu qabsaday dhawr jeer dagaal.
Waxaa laga bilaabo maanta, aan go’aamiyay in aan tobanka Saacadood ee soo socda, aan ka guurro meesha la yidhaahdo Fadhi-gaab. Si deg deg ah baan uga guurayaa.
Waxaanan joojinaynaa dhismaha Waddada ka socota Fadhi-gaab iyo hareerraheedda. Waxaana taa bedelkeedda Saaydadka dhismaha ay shaqaalahayagu ka soo wadi doonaa dhinaca Gar-adag”.
Waxa kaloo uu sheegay maareeye ku-xigeenka hay’adda waddooyinka Somaliland in aanay suurto-gal ahayn in ay ka sii shaqeeyaan deegaanka fadhi-gaab, isla markaana ay dadka deegaankaasi Rasaas ku hurgufeen shaqalaha jidkaasi dhisaya.
“Waayo? Taasi waa jawaabta dadka reer Fadhi-gaab, ee aanu Waddada u dhisaynay, ee aanu Daamurka u dhigaynay, ee aanay Booyadii Daamurka dhigaysay ka shaqayn karaynin, ee Rasaasta afarta koone is kala kaayo taagay, iyagoon anaga noo jeedin, ee iyagu is dilaya.
Dad iyagii is dilaya, anagu-na Waddo u dhisi kari mayno” ayuu yidhi Mustafe Maxamed Qalab, oo maanta warbaahinta kula hadlay deegaanka Fadhi-gaab.
Geesta kale maareeye ku-xigeenka hay’adda waddooyinka ayaa intaas raaciyay in gobolka Sanaag intiisa kale ay wakhtigan amaan tahay, balse ay imika mushkilad cusub oo dagaal beeleed ah ka bilaabantay Fadhi-gab.
Waxaanu yidhi, “Waxaanu qaranka Somaliland u sheegaynaa, in gobolka Sanaag intiisa kale amaan tahay. Balse fidnadu ay maanta ka socoto meesha la yidhaahdo Fadhi-gaab”.