Dowlada iyo Ururada Mucaaradka ayaa soo dhoweeyay warkan ka soo baxay guddiga doorashada, iyadoo xilliga dowlada hadda haysa taladana ay ka dhiman tahay dhowr bilood.
Hase yeeshee waxaa la qorsheynayaa in baarlamaanka uu muddo kordhin u sameeyo dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay Abiy Ahmed.
Waa markii ugu horreysay ee dowlad weyn oo Afrikaan ah ay dib ugu dhigto doorasho sababo la xidhiidha cudurka Coronaha.
Wadamo badan oo ku yaalla qaarada Afrika ayaa hore u qorsheystay in doorashooyin laga qabto sannadkan.