Hindiya: Bukaankii ugu da’da weynaa oo ka badbaaday coronavirus

Nin 93 jir ah oo u dhashay Hindiya ayaa noqday bukaankii ugu da’da weynaa dalkaas ee ka badbaada cudurka coronavirus, sida uu sheegay dhaqtarkii la tacaalayay xaaladdiisa.

Ninkan iyo xaaskiisa oo 88 jir ah ayaa waxay labadooda ka badbaadeen cudurka kaddib laga helay bil ka hor, waxaana la filaya in dhawaan isbitaalka laga soo saaro, sida ay sheegeen saraakiisha.

Lamaanahan waxay ku nool yihiin gobolka Kerala, waxaana cudurka qaadsiiyay labo qof oo ka tirsanaa qoyskooda oo kasoo laabtay Talyaaniga.

Hindiya waxay xaqiijisay 1,238 qof oo uu ku dhacay cudurka Covid-19, halka 35 qofna ay u dhinteen cudurka, waxaana ka badbaaday 123 qof, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Hindiya.