Tobaneeyo howlwadeennada madaxtooyada dalka Afghanistan ayaa laga helay coronavirus, sida warbaahinta dalka ay tabinayso.
Labaatan kiis ayaa horaan la xaqiijiyey, balse maalintii Axadda ahayd wargayska New York Times ayaa sheegay in tirada ay gaartay 40.
Dowladda ayaanan weli ka hadlin arrinkan, iyada oo aanan weli la hubin in madaxweyne Ashraf Ghani uu ku dhacay cudurka coronavirus.
Mr Ghnani, oo 70 sano jir ah ayaa la sheegay in qayb ka mid ah calooshiisa uu ku waayay cudurka kansarka oo ku dhacay sanadihii 1990-yadii.