Hargeisa(GNN):-Dawlada Jamhuuriyada Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa magaalo xudduuda ku taalla ee Wajaale kaga shiray sidii wadajir la iskaga kaashan lahaa xakamaynta fiditaanka Xannuunka Covid19.
warbixin ay maanta shirkaas ka qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay wadajir uga hawlgaleen ka hortagga Xannuunka Covid 19.
ENA waxay sheegtay in Taliyaha Ciidanka Millatariga qaybta Bariga Itoobiya Gen. Sewdu Belay iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka qaybgalay shir ay maanta iskugu yimaadeen Magaalada Wajaale Saraakiisha ciidammada iyo maamulka degmada Wajaale ee labada dawladood, waxana shirkaasi lagu falanqeeyey sidii looga hortagi lahaa in xannuunkaasi ku fido Somaliland iyo Itoobiya.
Taliye Belay ayaa sheegay in shacabka Somaliland iyo Itoobiya ay muddo dheer ahaayeen labada ummaddood oo iskaashi ku wada noolaa,wuxuuna caddeeyey in labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin lagaga hortagayo inuu xannuunka Covid 19 iskaga gudbo xudduudaha.
Gen. Sewdu Belay wuxuu sheegay in wixii cabasho ah ee ka dhasha tallaabada lagu joojiyey inay labada shacab iskaga gudbaan soohdimaha ay tahay masuuliyad u baahan inay xaliyaan maamulka labada dhinac ee degmada Wajaale.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu waxyeelo ku yahay horumarka dalalka soo koraya, waxaanu ammaanay dedaalka ay dawladda Itoobiya qaaday ee ay ku xakamaynayso xannuunkaas.
Isagoo Dhankiisana Sheegay In Ka Dawlad Somaliland ahaan Inay Heegan buuxa ka galayaan sidii labada dawladood iskagaga kaashan lahaayeen Xakameynta Xanuunka Dunida Saameynta weyn ku yeeshay.
Gabiley News Network
Hargeisa Somaliland