Kenya Oo Baadheysa Xidhiidhka ka Dhaxayn Kara Sirdoonka Somalia ee NISA iyo Kooxda Al-shabaab.

Muqdisho(GNN):-Sida lagu daabacay Website-ka waregsyka the standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi, dowladda Kenya ayaa sheegtay iney baaritaan ku sameyneyso wada shaqeyn la sheegay iney leeyihiin hay’adda mukhaabaraadka iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo xubno sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Wargeyska ayaa waxa uu yiri “Warbixin lagu kalsoonaan karo ee uu arkay The standard ayaa muujineysa jiritaanka xiriir ay leeyihiin NISA iyo Al-shabaab taas oo ka dhan ah Ciidamada howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya”.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu qoray in xubno sirdoonka Soomaaliya ka tirsan oo ay laammaha ammaanka Kenya ay tababareen iney Al-shabaab siiyeen xog, taas oo u sahashay howl-gallo ay fuliyeen.

Sidoo kale sargaal sare oo NISA ah oo aan warbixinta the Standard lagu dhex magacaabin ayaa lagu eedeeyay inuu xiriir joogta la sameeyo Al-shabaab, isagoo mararka qaar siiya taageera dhaqaale iyo agab .

Mar kale ayaa lagu yiri Warbixinta Wargeyskan uu qoray “Xiriirka NISA iyo Alshabaab ayaa ah mid ku aaddan tilmaamidda goobo la weerarayo iyo goorta la fulinayo, taas oo ah, mid halis ah”.

“Mid kamid ah fududeynta dhaqaale oo ay NISA sameysay ayaa ah Jeeg qiimahiisa ku kacayay 1.5 milyan oo dollar, kaas uu saxiixay sargaal, isagoo isticmaalayo shabakadda NISA , lacagtaas oo aadday shabaab, si ay u carqaladeeyaan xuduudda labada dal”, ayuu mar kale the Standrad sii raaciyay qoraalkiisa.

Warkaan oo sidoo kale qaar kamid ah Wargeysyada kale ee Kenya ay qoraan ayaa la ogeyn sida uu sax u yahay, mana jiraan war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda mukhaabaraadka qaranka Soomaaliya, horay Warbaahinta Kenya ayaa dhowr jeer oo hore u qortay warar ka dhan ah Soomaaliya. Balse waxaan la ogeyn sida hadalkaan hay’adda NISA uga jawaabi doonto.