Kooxda Alshabaab oo Libin Laabay Bisha Ramada Weerarada Ciidmada Ku Sugan Muqdisho iyo Xarumaha Dawlada+Weerarada 24 Saac ugu Danbeeyey.

Muqdisho(GNN):-Wararka aan caawa ka heleyno xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in lagu qaaday weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal.

Dad ka ag dhow Xalane ayaa sheegay inay maqleen jugta dhowr gantaal oo qoriga hoobiyaha ah, kuwaas oo lagu tuuray xerada UN-ka ee Xalane oo ku taalla degmada Wadajir.

Al-Shabaab oo weerarrada nuucaan ah marar badan ku qaaday xaruntaas weli wax war ah oo ku aadan weerarkan kama soo bixin.

Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood lagu qaaday xarunta Xalane, barqanimadii saaka ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal lagu garaacay xaruntan oo si aad ah loo ilaaliyo ammaankeeda.

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay gudaha xaruntaas saaka, sida ilo deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Warbaahinta, waxayna qaar ka mid ah hoobiyeyaashaas ku dhaceen xaafado ka agdhow xerada Xalane oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Guri ay daganaayeen dad shacab ah iyo xero lagu xareeyo Geella oo ku taalla xaafadaha ku teedsan Xalane ayey haleeleen qaar kamid ah madaafiicdii saakay lagu garaacay xaruntaas.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay illaa afar qof oo isku qoys ahaa, iyadoona ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaadhay dad shacab ah, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ururka Al-Shababaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii saaka, waxayna qoraal ay soo saareen ku sheegeen in illaa 7 madfac dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay la eegteen gudaha xarunta Xalane.

Al-Shabaab ayaa dhaw mar weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday xarunta Xalane oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howgala dalka, isla markaana ay ammaankeeda sugaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM oo si weyn u ilaaliya xaruntaas.

DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacay Saldhig Ciidanka ...

Kooxda Alshabaab Ayaa si muuqata Laba Jibaaray Weeraradii ay hore ugu qaadi jireen xaumaha dawlada iyo Fadhiisimada ciidamada nabad ilaalinta ee Somalia, waxaana intan lagu gudo jiro bisha ramadaan bilowgeeda ay noqonayaan weeraradin iyo madaafiicdan ay kooxda alshabaab ku beegsanayaan xarumaha dawlada iyo goobaha ciidamadu kuwo is daba joog ah oo aad moodo inay laba jibaareen hawlgaladoodii hore.

Muqdisho Office

Gabiley News Network