Maamulka Trump oo lagu eedeeyay inuu iska dhaga tiray talooyinka caafimaadka

Dr Anthony Fauci, oo ah mid ka mid ah khabiirada caafimaadka ee dalkaasi sidoo kalana ah udub dhexaadka la dagaalanka Coronovisus ee dalka Mareykanka ayaa New York Times u xaqiijiyay wararka sheegaya in maamulka Trump oo iska indha tiray digniinada caafimaadka ee bulshada ku dhawaad muddo bil ah.

Sida lagu daabacay New York Times Fauci iyo saraakisha caafimaadka ee kale ayaa ku baaqay kala fogaanshaha bulshada bishii Febraayo balse madaxweynaha ayaa gaashaanka u daruuray baaqaas.

Mar la weydiiyay sababta maamulka Trump uu dhagaha kaga fureystay farriinta Dr Fauci waxa uu CNN u sheegay: ” Sidii aan horay u sheegayba, waxaanu ka eegnaa ku dhaqanka talooyinka caafimaadka marka aan talooyinka jeedinaynayno, inta badan waa la qaataa taloooyinkaasi mararka qaarna lama qaato.”

Fauchi ayaa sheegay, in haddii uu Mareykanka mar hore soo roogi lahaa bandow, nolol badan la badbaadin lahaa.

Mareykanka ayaa wuxuu diiwaan geliyay 555,000 oo kiis, halka dhimashaduna ay gaadhay 22 kun.