Hargeysa (GNN):- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa si weyn u bogaadiyay barnaamij uu shalay daah-faray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Mujaahid ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in uu Farmaaji ka daydo.
Cali Guray ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga waxa uu ku yidhi
“WUXU YIDHI: HOONA WAYGA INTAA HAGRASHANA WAYGA WALLAAHI
Waxan in yar ka dhegaystay Madaxwaynaha Dawladda Faderaalka Somalia oo ka hadlaya Barnaamijka Badbaado oo ah barnaamij lagu taageerayo dadka danyarta ee noloshooda ay saamaynayso talaabooyinka ka hortagga COVID-19. Barnaamijka lama qarin qiimaha uu ku kacayo. Runtii Farmaajo waxa ka muuqatay hadalkiisa in uu ka hadlayay wax uu garanayo. Kuma filna qaddarka lacagta ahi waanu sheegay Madaxwayne Farmaajo laakiin horaa loo yidhi hoona wayga intaa hagrashona wayga wallaahi.
Barnaamijkan maaha sida Somaliland amar ay madaxda sare soo saartay oo dadka lagu qasbayo inay yeelaan wax aanay karayn ama aan tahliba karin talaabooyinka ka hortagga COCID-19 sida kala durugga dadka (social distancing) oo dhinaca Somalia uu Barnaamijkani yaanu ku filaanin laakiin uu wax badan uga fulin karo magaaladda Muqdisho oo qiyaastii laba milyan oo dad ahi ku nool yihiin. Madaxwayne Muuse Biixi waxan kula talin lahaa in uu ku daydo waayo waa talaabo runtii ku dayasho leh. Barnaamijkan laguma soo sarin amar ee waxa lagu soo diyaariyay heerka farsamo oo waxa diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Farmaajo waa Madaxwayne la odhan karo wuxu adeegsanayaa aqoonta dadkiisa isagoo soo dhawaysanaysa taladda ka qaadanaya kuwooda aqoonyahankiisa farsamoyaqaanka ah.”