Dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka ayaa sheegay iney billabayaan dabcinta xayiraadaha dalalkaasi lagu soo rogay kaddib markii uu cudurka safmarka ee Coronavirus uu si ba’an u saameeyey dalalkaasi.
Tirada guud ee dadka uu cudurka haleely ayaa ku dhawaad gaaraya 3 malyan oo qof.
Talyaaniga oo ka mid ah waddamada Yurub uu sida weyn u saameeyey Covid-19 ayaa qorsheynaya xayiraadaha adag ee dalkaasi saran in laga dabciyo, ra’iisal wasaaraha dalkaasi Giuseppe Conte ayaa sheegay dabcinta xayiraadaha iney billaabanayaan laga billabo 4-ta bisha May.
Axaddii shalay ahayd dalkaasi waxaa cudurka corona ugu dhimatay 260 qof iyada oo tirada dhimashada ay gaartay 26,644.
Qaar ka mid ah gobollada dalka Mareykanka ayaa iyaguna billaabay iney dabciyaan xayiraadaha qaarkood iyada oo madaxda dalkaasi sheegi lahayaan awaamiirta kala fogaanshaha bulshada iney soconayaan inta xagaaga lagu jiro.
Dadka uu ku dhacay Covid-19 waxay waxay gaartay 940,000, iyada oo dhimashaduna ay gaartay 54,000.