Mareykanka iyo Taliban oo ka wada hadlay joojinta rabshadaha

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa magaalada Doha kula kulmay hogaanka ururka Taalibaan, si looga wada xaajoodo baahida loo qabo in la yareeyo rabshadaha dalkan ay halakeeyeen dagaalladu, sida ay sheegeen afhayeen u kala hadlay Mareykanka iyo Taliban Sabtida maanta ah.

Kulanka dhexmaray hogaamiyeyaasha Taliban iyo General Scott Miller, oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ayaa la qabtay habeenkii xalay waxaana uu yimid xilli ay kooxdan wax iska caabintu ku eedeeyeen Mareykanka inuu ku xadgudbayo heshiiskii ay wada saxiixdeen bishii Febraayo ee sanadkan.

Heshiiska ay Mareykanka iyo Taliban kala saxiixdeen oo sheegaya in ciidamada caalamiga ah ay si tartiib tartiib ah uga baxaan Afghanistaan taa bedelkeedana ay taalibaan damaanad qaaddo nabad, ayaa ah fursadda ugu wanaagsan ee lagu dhameyn karo colaadda 18 sano jirsatay ee Afghanistan.

REUTERS