Mike Pompeo: Mareykanku dhawaan ‘muusan arag’ hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un

Saraakiisha Mareykanka “ayaanan arag” dhawaan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, sidoo kalana ay “si dhaw” ula socdaan wararka ka soo baxaya caafimaadkiisa, ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo.

Waxa uu walaac ka muujiyay in dalkaas xirxiran ay suuragal tahay inuu ama ku dhufto coronavirus ama macaluul.

Mr Kim, oo ah 36-jir, ayaa markii ugu dambaysay ee la arkay waxa uu 12-kii Abriil ka soo muuqday warbaahinta qaranka, taas oo dhalisay warar mala-awaal ah oo tilmaamayay suuragalnimada inuu si daran u xanuunsanayo.

Hasayeeshee saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in wararka noocaas ah aanay run ahayn.

Waxaa sidoo kale jiray soojeedin ah in “hogaamiyaha ruuxiga ah” ee Kuuriyada Waqooyi uu joogo magaala xeebeedka loo tamashlaha tago ee Wonsan si uu isaga ilaaliyo inuusan ku dhicin cudurka coronavirus.

Dalkaas aanan xogta badan laga helin ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo waxa uu xiray xuduudihiisa cudurka safmarka ah awadii.

Muxuu sheegay Mike Pompeo?

Mar warbaahinta Fox News ay waydiisay inuu ka jawaabo wararka dhawaan laga tabinayay caafimaadka Mr Kim, ayuu Mr Pompeo waxa uu sheegay: “Maynaan arag. Ma aynu hayno wax xog ah oo aynu maanta sheegi karno, si dhaw ayaanse xaaladda ula sooconaa.

US Secretary of State Mike Pompeo. Photo: 29 April 2020

“Waxaa jirta halis dhab ah oo ah in dalkaas ay macaluul ku dhufan doonto, iyo cunnada ay gudaha Kuuriyada Waqooyi gabaabsi geli doonto,” ayuu ku daray.

“Dhammaan arrimahaasi si dhaw ayaan ula soconaa, maadaama ay saameyn rasmi ah ku leeyihiin howlaheenna, taas oo aan ugu dambayntii ku doonayno inaan hubka nukliyeerka ah uga baabi’inno Kuuriyada Waqooyi,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

1990-meeyadii, macaluul daran oo la rumaysan yahay inay dishay boqollaal kun oo qof ayaa waxa ay ku dhufutay Kuuriyada Waqooyi.

Isniintii, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu “ra’yi wanaagsan ka haysto” xaaladda caafimaad ee Mr Kim, hasayeeshee waxa uu intaasi ku daray “kama hadli karo”.

“Caafimaad baan u rajanayaa,” ayuu sii raaciyay.

Mr Trump ayaa muddo saddex jeer ah waxa uu la kulmay Mr Kim tan iyo 2018 – hasayeeshee waxaa bilihii la soo dhaafay hakad ku jiray wadahallada hubka nukliyeerka loogaga baabi’inayo Kuuriyada Waqooyi.

Goormey bilowdeen wararkan mala-awaalka ah?

Kim Jong-un ayaa dhawaan ku guuldarraystay inuu ka qeybgalo xaflad lagu xusayay dhalashada awoowgii oo ku beegnayd 15-ka Abriil. Waa mid ka mid ah xafladaha ugu waa weyn ee sanadka ee dalkaas, taas oo lagu xuso dhalashada ninka qarankaas aasaasay.

Kim Jong-un ayaanan weligii ka baaqan xafladdaas, waxa ayna u muuqataa in aanay sahlanayn inuu si fudud u baaqdo xafladda.

Celebrations for birth anniversary of President Kim Il-sung

Hubaashii maqnaanshihiisa ayaa waxa ay horseedday mala-awaal iyo in la isla dhexmaro wararka caafimaadkiisa, taas oo aanay sahlanayn in la kala saaro.

Kim Jong-un ayaa markii ugu dambaysay waxa uu 12-kii Abriil ka soo muuqday warbaahinta qaranka xilli uu “kormeerayay diyaarado nooca dagaalka ah”. Sida lagu yaqaanay sawirradiisana waxa ay u muuqanayay in xaalad wanaagsan oo deggan uu ku sugan yahay.

Maalintii ka horraysayna waxa uu shir gudoomiyay shir siyaasadeed oo muhiim ah, kaas oo ay baahisay warbaahinta qaranka, hasayeeshee lama arag markaas wixii ka dambeeyay.

Warka ku saabsan caafimaadka Mr Kim Jong-un ayaa markii ugu horraysay waxaa bishan lagu daabacay bar internetka ah oo ay maamulaan dad ka baxsaday waddanka Kuuriyada Waqooyi.

Ila wareed aanan magacooda la shaacin ayaa the Daily NK u sheegay inay fahansan yihiin inuu hayay xanuun dhanka wadnaha ah tan iyo Agoostadii la soo dhaafay “hasayeeshee ay xaaladdiisu sii xumaatay kaddib markii uu dhowr jeer ku laablaabtay Mount Paektu”.

Arrintaas waxa ay horseedday silsilad warbixinno ah oo ay warbaahinta caalamiga ah ku soo xiganayso warbixin hal ila wareed lagu saleeyay.

Wakaaladaha wararka ayaa bilaabay inay warbixinnadooda ku saleeyaan sheegashadaas, warbixinnada noocaas ah ayeyna wadeen ilaa markii dambe ay ka soo baxeen warar sheegaya in hay’adaha sirdoonka Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ay dusha ka eegayaan sheegashada.

Hasayeeshee markaas kaddib ayaa warbaahinta Mareykanka waxaa ku soo baxay cinwaan layaab leh oo sheegaya in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ay xaaladdiisa caafimaad adag tahay kaddib qalliin wadnaha ah oo uu galay.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, bayaan ka soo baxay dowladda Kuuriyada Koonfureed, iyo ila wareedyo ka tirsan sirdoonka Shiinaha oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in warkaasi uu been yahay.

xigasho bbc