Mohammed Bin Zayed Oo 3 Bilyan Oo Dollar Ku Bixiyey Shirqool Ka Dhan Ah Turkiga

Dhaxal-Sugaha Abu Dhabi Mohammed Bin Zayed ayaa dowladda Syria ka dhaadhiciyey qorshe lagu burinayo xabad-joojinta gobolka Idlib ee kala dhaxeysa Turkey, isaga oo u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, waxaas sidaas weriyey wargeyska Middle East Eye.

Maalmo ka hor kulan dhex-maray saraakiil Russia iyo Turkish ah oo lagu raadinayey heshiis xabad-joojin, ayaa 5-tii March waxa uu Mohammed Bin Zayed sarkaal sare oo lagu magacaabo Ali Al-Shamsi u diray magaalada Dimishq, si uu wada-xaajood ula galo madaxweyne Bashar Assad.

Bin Zayed ayaa Assad u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, si uu dib ugu billaabo howl-gallada iyo weerarada gobolka Idlib.

Assad ayaa loo hormariyey 250 milyan oo dollar oo kaash ah, ayada oo loo ballan-qaaday in ka hor dhammaadka bisha March la siin doono 1 bilyan oo dollar, ayada oo lacagta inta ka harsanna la bixin lahaa goor dambe.

Mohammed Bin Zayed ayaa qorshihiisa ka damacsanaa laba ujeedo, oo lagu wiiqayo saameynta Turkey ee gobolka.

Qorshaha koowaad ayaa ahaa in Turkey dagaal dheer oo aan dhammaad lahayn lagu geliyo gobolka Idlib si askar badan looga dilo, islamarkaana caalamka loogu muujiyo inay dal kale duulaan ku yihiin, oo loo sumcad tiro.

Qorshaha labaad ayaa ahaa in dagaalkaas uu Turkey ka weeciyo qarashkii iyo kheyraadkii ay ku bixin lahayd Libya, oo ay taageerto dowladda dalkaas, halka Imaaraadka Carabta ay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar.

Qorshahan ayaa waxaa ka war-helay madaxweynaha Russia Vladimir Putin, kaasi oo aad uga carrooday. Putin ayaa kadib wasiirkiisa gaashaandhigga Sergei Shoygu u diray Dimishiq kuna armay inay joojiso qorshahan.