Moqdisho: Wasiir U Geeriyooday Cudurka Coronavirus

Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamul gobolleedka HirShabelle ee Soomaaliya Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus.

Khaliif Muumin ayaa ka mid ahaa 9 qof oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay Jimcihii shaaca ka qaadday in laga helay cudurka Coronavirus.

Xildhibaan Khaliif ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday magaalada Jowhar, laguna arkay astaamaha lagu garto cudurka Coronavirus.

Waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee inta la ogyahay gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda cudurka Coronavirus. Khaliif ayaa cudurka ku qaaday gudaha dalka, mana jirin wax safar dibadeed ah oo uu dhowaanahan galay.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo la xidhiidha inay jiraan dad aan laga war-hayn oo cudurka uu gaaray ama u dhintay iyaga oo aan la diiwaan-gelin. Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa werinaya dad dhintay oo lagu arkay caalamadaha cudurkan balse ma jirto cid xaqiijin karto maadaama aan tijaabo la marin