Muwaadiniinta Turkiga oo isaga baxay Muqdisho iyo Somali ay …..

Diyaarada Turkish Airlines ayaa xalay ka daadgureysay magaalada Muqdisho in ka badan 100 qof oo ah muwaadiniiintii reer Turkiga ee ku sugnaa deegaanka Xamar

Dowlada Turkiga ayaa waday maalmahan dadaal ay ku daad-gurayneyso muwaadiniinteeda ku xanibnaa dalalka Caalamka tan iyo markii lasoo rogay xayiraadaha la xariira Socdaalka ee looga hortagayo faafida cudurka Covid-19, guud ahaan dowlada Turkiga ayaa sheegtay in dad ka badan 60 kun oo uu dhashay dalkooda dib loogu celiyey dhulkooda.

Daad-gureynta Turkida ku sugan Muqdisho ayaa kusoo aaday xili ay sii kordheyso tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale isla diyaarada xalay qaaday muwaadiniinta Turkida ayaa keentay Muqdisho Soomaali badan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ku xanibnaa wadanka Turkiga.

Gnet