New York: U-dhimashada COVID 19 oo sii Kordheysa

Guddoomiyaha gobolka New York ee dalka Mareykanka Andrew Cuomo ayaa sheegay in muddo 30 maalmood ah laga joogo markii kiiskii u horreeyay oo Coronovirus ah laga helo gobolkiisa, balse ay arrintu u muuqato, sida in ay cudurka la dagaallameeyeen, muddo fog.

Gobolka New York ayaa ah halka ugu daran ee uu sida aadka ah u saameeyey marka la barbardhigo gobollada kale ee Mareykanka. Ilaa iyo haddana wuxuu Covid-19 ku dilay gobolkaasi in ka badan 3,500 oo qof, iyadoo khubarada caafimaadkuna ay ka digayaan in xaaladdu ay kasii dari doonto.

Gudoomiye Cuomo ayaa sheegay in gobolka New York uu Sabtidii shalay ka helay dalka Shiinaha ilaa iyo 1,000 qalabka bukaannada ka caawiya in ay neefsadaan, taasoo hadda ah ahmiyadda koowaad ee isbitaallada.

Wuxuu kaloo sheegay inuu saxiixi doono xeer u ogolaanaya ardayda gugaan ka qalin-jabineysa jaamacadaha New York in ay hadda bilaabaan ka shaqeynta isbitaallada si ay uga qeybgalaan dagaalka ay shaqaalaha caafimaadku kula jiraan Coronovirus.

Madaxweyne Trump ayaa isna xalay mar kale ku celiyay in dadka Mareykanku ay maalmaha foodda nagu soo haya u diyaar garoobaan halista kusoo wajahan ee cudurka Coronavirus, kaasoo laga cabsi qabo inuu kumanaan kun oo qof ay macquul tahay inuu ku dilo Mareykanka.