Tirada kiisaska cusub ee dalka New Zealand ayaa maalmihii la soo dhaafay hoos u dhacay, Jacinda Ardern, ra’iisal wasaaraha dalkaas ayaa sheegtay inay ku guuleysatay joojinta fafitaaanka cudurka Corona.
Balse saraakiisha ayaa ka digay faafid hor leh, iyaga oo sheegay inay taasi ahayn suurtagalnimada kiisas cusub lagana yaaba inay kuwa hor leh la diwaan geliyo.
Warkaan, ayaa imaanaya saacado ka hor inta aysan New Zealand dabcinin xayiraadaha.
Dadka ayaa weli lagu wargelinayaa inay guryahooda joogan si ay u yareen faafidda cudurka coronavirus.
New Zealand ayaa diwaan gelisay 1,500 oo kiis, halka ay cudurka u geeriyoodeen dad gaaraya 19 qof.