Sacuudiga oo joojisay ciqaabta karbaashka

Boqortooyada Saudi Arabia ayaa Sabtida maanta ah joojisay karbaashka jeedalka ee ciqaab ahaan loo adeegsado sida uu ku waramayo guddiga xuquuqda aadana dalkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo horey loogu qaaday barnaamijka dib u habeynta ah ee ay wadaan boqorka dalkaasi iyo wiilkiisa awoodda badan.

Ciqaabta Karbaashka dadka ee lagu ciqaabo jeedalka ayaa waxaa amra maxkamadaha dalkaasi, iyadoo mararka qaar dadka lagu xukumo boqolaal karbaash taasi oo in muddo ahba ay canbaareynayeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Qoraalkan ka soo baxay guddiga xuquuqda aadanaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in talaabadan dib u habeynta ah ay xaqiijineyso inaaney jiri doonin in markale ay maxkamaduhu dad ku xukumaan ciqaabta jeedalinta ah.

Maxkamadaha boqortooyada Sacuudiga ayaa awood u lahaa iney dadka lagu helo danbiyo ay ka mid yihiin gogol dhaafka lagu xukumo ciqaab karbaash ah.