Safiirka dalka Maraykanka u fadhiyo Kenya, Kyle McCarter, ayaa ka caraysiiyay shacabka dalkaas kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray fariin uu ku sheegay in dadka aysan daboolan afka iyo sanka aysanna ku dhaqmaynin kala fogaanshaha.
Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa safiirka weydiiyay in dalkiisa uu ku deeqay shacabka saboolka ah ee ku nool Kenya qalabkaas.
Safiirka ayaa ku jawaabay “Haddii uusan Maraykanka ahayn Kenya ma aysan baari lahayn coronavirus”