Cabdillaahi-dirawal Oo Sheegay Inaan Loo Baahnayn In Somaliland Xilligan Wada-hadal La Yeelato Soomaaliya.

Hargeisa(GNN):-Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay in aanay Somaliland xilligan u baahnayn inay Wada-hadal la yeelato Soomaaliya.

Dirawal oo Shir-jaraa’id ku qabtay Gurigiisa Hargeysa, ayaa sheegay inuu la yaaban yahay in Xilligan Somaliland ay Wada-hadallo la gasho Soomaaliya, maaddaama buu yidhi Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo lala hadli lahaa aanay Maamulladoodiiba aanay Gacanta ku haynin, Raysal-wasaaraha Itoobiya oo hawlahaa ku jiraana qorshihiisu yahay inuu isku daro dalalka Geeska.

Mr. Dirawal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Anigu waxaan fikir ahaan la yaabanahay arrinkan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Waayo? Arrinta Wada-hadalladu Maanta uma taallo Somaliland, markaa eego xaaladaha innagu cakiran iyo Siyaasadaha innagu wareegsan, ama Itoobiya siyaasadahan ay waddo ha ahaato, ma qabo in Farmaajo iyo Khayre oo aan Maamul-gobolleedyadoodiiba aan gacanta ku hayn inay odhanayaan Somaliland sii daaya, markaa in wakhti la isaga khasaariyo maaha, ninka reer Somaliland ee Maanta taa ka sugayaana ma jiro.”

Cabdillaahi-dirawal waxa kale oo uu sheegay “Abyi Axmed, siyaasaddiisa muu qarin ee Geeska oo dhan buu isku darayaa.” ayuu yidhi.

 

GABILEY.NET