Sawirka Maanta iyo Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo, Maxay Iska Shabahaan Adeerkii.

Muqdisho(GNN):-Sawir gacmeedkan oo Xaqiiqada ka danbeysaa ay tahay Waxa ay iskagaga Midka yihiin Talaabooyinka madaxweynaha Somalia Maxamed C,laahi Farmaajo iyo Adeerkii Maxamed Siyaad barre.

Hanaanka Xukunka madaxweyne Farmaajo Ayaa Wakhtigan Qaaday Dhabaha Dawladii Awood lahayd ee Burburtay ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre, taas oo markii ay badatay tacadigii iyo dhibaatadii joogtada ahayd ee ay ku haysay shacabkeeda sababtay in Xukunka xoog lagaga Tuuro gumaystihii wakhtigaasi maxamed siyaad bare, iyadoo dhaxalkii uu ka dheefayna noqontay in uu Magac Xumo iyo Taariikh aan waligeed ka hadhidoonin umada soomaliyeed kagaga tagay ifka.

Waxaan Iyadoo aan Cidina abaal iyo magac u haynin nololshiisu ku danbaysay in siyaad barre uu ku geeriyoodo dal shisheeye oo aaney jirin cid soomaali sheegata oo markaa inuu ka damqanayey geeridiisa.

Hadaba Dhaqamada Siyaasaadeed ee Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa ah kuwo wakhti xaadirkan ka shidaal qaadanaya Wadadii xukunkii siyaad barre u horseeday guuldaradii foosha xumeyd.

Iyadoo Sida Sawirka Idiinka Muuqata Madaxweyne Farmaajo oo Hor istaagay Muraayada Layska Arko uu isu haysto inuu yahay halyey adag aragtidii hoday adeerkii Maxamed Siyaad Barre.

 

Gabiley News Network

Muqdisho Somalia 

GNN Office