Seattle: Hooyo Soomaali ah iyo gabadheeda oo u dhintay COVID-19

Waxaa socota wacyi galin ay bulshada magaalada Seattle ee gobolka Washington ka dhex wadaan bulshada Soomaalida ah kadib markii saddex qof oo Soomaali ah ay gobolkaasi ugu geeriyootay xanuunka COVID-19.

Saddexda qof ee dhimatay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen hooyo iyo gabar ay dhashay iyo qofka saddexaad oo ahaa nin, kuwasaso dhamaantood hal xaafad dagganaa.