Shiikh Cali Warsame Wuxuu unool yahay keliya inuu ilaahay raaligeliyo swtc AbdiSataar Sabri
Al Ostaad Shiekh Cali Warsame inkabadan 45 Sanno ayuu dad ugu yeedhay Cibaada Alle iyo Barashada diinta Islaamka Wuxuu Soo Saaray Jiil Cusub oo leh Aqoon diimeed Oo kala degaano iyo kala gobolo ah maantana uu kunastay oo laga yaabo qaarkood marka laga yimaado waayo aragnimada uu Wakhtigu baridoono ay aqoon balaadhan oo durugsan leeyihiin Waxbadan oo maanta Socdana ay kuga faro dhuudhuuban yihiin Macalinkii ubarbaariyay in ay Ummadda kaalin iyo door muuqda kaga jiraan
Sidoo kalena Qiyamkooda diimeed ay dhisaan, wuxuu Shiikh Cali Warsame caanka yahay dhulka Soomaalidu degto oo dhan, Waxaa uu kasii joogaa ragii odayada Ka ahaa Manhajka Salafiga ama Culimadii Dhulka Soomaalida Keentay ku faafisay Manhajka Salafiga ee maanta dal iyo dad iyo dawladba Saamaynta togan kuyeeshay marka laga hadlayo dhankasta, inkastoo ay maanta dalka joogaan ururdiimeedyo magacyo kala kuwan leh balse inta ugu xarumaha badan ,masaajidda badan madaarista badan uguna fadwada badan ay ka kasoo farcameed Jamaacada Salafiga
Uma jeedo in culimada Jamaacaadku keligood wada tahay ,waayo Waxaa jira Tusaale ahaan Jamaacada Tubliiqiga oo kamida jamaacaad ugu diin fiditaanka badan Dunida , iyo kuwo kale. Balse Wadaad diimeedkan All Ostaad Shiikh Cali Warsame Burco Maalintuu yimi wuxuu ahaa keligii ,wuxuu la kulmay Dagaalo Faafinta Cilmigiisa lagula dagaalamayo ,ilaa Uu markii danbe Uu Tafsiirkii Uhoreeyay ee dhamays ah uu ka bilaabay Burco , wuxuu markii danbe Hogaamiyay Ururkii Culimada Soomaaliyeed ee Al ikhwaan oo dagaalo lagalay ragii Umadda qayb qaybsaday ee inba meel ku xidhay Dagaaladaas markii guul wax ku ool ah laga gaadhiwaayay waxay qaateen in ay cagta udhigaan Si Umadda loogu bisleeyo Barashada iyo. Fahamka islaamka
Shiikh cali waa shiikh Xataa ogol oo isaguba Naqdiyay wixii Salafiga ka khaldamay oo ilaa Shiikh Maxamed Cabdi wahaab ayuu Dul istaagay wixii uu qalawi sameeyay Xilligiisii
Shiikh Cali Maanta guul ayuu joogaa , Burco ayuu ku Nool yahay , wuxuu unoolyahay keliya inuu ilaahay Raaligeliyo annana waanu uducaynayaaa
Lasoco qaybkale oo xiiso badan iyo wax yaabihii layaabka badnaa ee uu lakulmay
WQ/ Abdisataar Abdullahi Sabri