Shiinaha Oo Malaayiin Dollar Siinaya Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO

Nairobi(GNN):-Shiinaha ayaa balanqaaday malaayiin doollar oo lacago dheeraad ah kuwaas oo uu ku kabayo hay’adda Qaramada Midoobay ee arimaha caafimaadkda, WHO

Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay in $30million ay siinayso hay’adda.

Hua Chunying, afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa xustay in si ay u taageeraan dedaalada hay’adda ee la dagaalanka caabuqa Covid-19 ay tallabadan qaadeen, isla markaana lacagtan lagu kordhin dono deeqihii hore ee ay hayadda sida sanadlaha ah u siin jireen.

Deeqda Shiinaha ayaa imanysa xili dalka Maraykanku uu joojiyay lacagihii uu siin jiray hayadda. Wuxuu ahaa waddanka lacagta ugu badan siiya WHO.