Shiinaha oo sheegay in kiisaska cusub ee Coronavirus ay kaga imaanayaan Ruushka

Shiinaha ayaa shaaciyey 89 kiis oo cusub maalintii Isniinta, waa tiradii ugu badnayd muddo lix isbuuc ah.

Kiisaskan ayaa la sheegay in laga helay dad u dhashay Shiinaha oo ka yimid Ruushka.

Sida ay sheegtay Waaxda caafimadka 86 ka mid ah kiisaska shalay la shaaciyey ayaa laga helay dad u dhashay Shiinaha oo ka yimid Ruushka halka saddexda kalana ay ahaayeen dad horay u joogay gobolka Guangdong..