Muqdisho(GNN):-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa fiidnimadii caawa soo saartay warbixinta Caabuqa Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha Soomaaliya ugu dhinteen cudurkan.
Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, waxa lagu sheegay in 6-qof ugu geeriyoodeen Xannuunka 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha dalkaasi Soomaaliya.
Warbixinta ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, waxa lagu sheegay in dadka maanta la shaaciyey 30 ka mid ahi yihiin rag halka 19 kalena yihiin Dumar. Laba qof oo ka mid bukaankii hore ugu diiwaan-gashanaa xannuunka covid-19, ayaa la sheegay inay ka soo kabteen cudurka.
Tirada guud ee gudaha dalkaasi Soomaaliya dadka laga helay caabuqa Coronavirus, ayaa gaadhay 286 qof, halka tirada dadka u geeriyooday xannuunkani yihiin Lix Qof.