Somaliland : Guddida Ka Hortaga Xanuunka Covid19 Iyo Shirkadaha Qaadka Oo Kulan Wada Qaatey + [ Sawiro ]

Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Shirkadaha dalka keena Qaadka.

Kulankan oo daarranaa sidii laysaga xog waraysan lahaa  xaaalda waddanku ku jiro iyo  xabsida laga qabo  faafitaanka xanuunka Covid 19 iyo i xal looga gaadhiga lahaa qaadka.

Masuuliyiinta Shirkdaha qaadka keena Waddanka oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Amar kasta oo kasoo baxa guddida heer qaran ka hortaga xanuunkaasi xattaa haddii la joojinaayo qaadka.

Dhanka  kalena waxay xuseen inay diyaar u yihiin  bixinta qeybtooda  kharashka Shaybaadh (Laabb)  lagu baadhayo xanuunkaasi si looga maarmo shaybaadh dibadeed.