Somaliland oo amar ku bixisay in la gubo qaadka wixii ka dambeeya Axadda

Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa soo saartay tallaabooyin hor leh oo looga hortaggayo faafitaanka cudurka coronavirus, Somaliland waxay shaaca ka qaaday in laga bilaabo Axadda la joojinaya qaadkii la keyn jiray halkaas.

Waxaa sidoo kale lagu amray maamulada ka jira Somaliland inay gubaan dhammaan wixii qaad ah ee soo gala iyo in sharciga la horgeen cid kasta oo lagu qabto iyadoo qaad soo gelineysa Somaliland ama ka ganacsaneysa, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

.