Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda GTS oo si wada-jir ah u daah-furay Nidaam Casri ah oo lagu Diiwaangelinayo Mihnadleyaasha Caafimaadka.

Hargeysa(GNN):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa maanta daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadleyaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19-ka. Nidaamka Casriga ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda iyo shirkadda GTS, ayaa lagu Daahfuray Munasibad uu Goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Jsl Mudane C.raxmaan ismaaciil Saylici.

Waxaana Nidaamkan Casriga ahi Sahalayaa in Qofkasta oo Mihnadle caafimaad ahi uu si fudud isu diwaangaliyo goob kasta oo uu joogo ama gurigiisa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

http://https://medsomaliland.com/

 

GABILEY.NET