Soomaaliya Oo Diiwaan-Gelisay 9 Kiis Oo Cusub Oo Coronavirus Ah

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la xaqiijiyey sagaal qof oo hor leh oo ku sugan magaalada Muqdisho uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin,” ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saartay wasaaradda.

Sida lagu xusay qoraalka wasaaradda kasoo baxay, 6 kamid ah dadka laga helay cudurka ayaa ah “dad horey xidhiidh ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay.”

Dadka cudurka laga helay ayaa waxaa ku jira laba sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar.

Tirada guud ee dadka cudurka Coronavirus laga helay ee wadanka oo dhan ayaa hadda ah 21 qof. Qof ka mid ah dadkaas ayaa geeriyooday Arbacadii.