Soomaaliya oo xaqiijisay kiisas cusub oo COVID-19 ah

Dowladda Soomaaliya ayaa soo warisay in kiisaska cudurka coronavirus ee Soomaaliya ay korodhay.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laba kiis oo cusub laga xaqiijiyay Soomaaliya.

Sida ay warisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, mid ka mid ah labada qof ee la xaqiijiyey in uu ku dhacay covid19 ayaa ah qof ajnabi ah halka bukaanka kalana uu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Tani ayaa ka dhigeysa ka dhigeysa guud ahaan kiisaska cudurka coronavirus ee Soomaaliya iney tahay 7 sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka.