Tirada Raga Loo Qabtay Kufsi Loo Gaystay Labo Gabdhood oo da’doodu tahay 3 jir iyo 4 Jir

Muqdisho(GNN):-Maamulka gobolka shabeelaha hoose ee maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in la soo qabtay dad lagu tuhmayo kufsi loo gaystay labo gabdhood oo da’doodu tahay 3 jir iyo 4 jir.
Labadan gabdhood ayaa la waayay galab Isniin ah, taariikhdu tahay 30 March, Saacadduna ay ku beegneyd 5:00Pm, iyagoo markaas ku hor ciyaarayay gurigooda oo ku yaallo degmada Afgooye gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako sida ay sheegeen waalidiinta gabdhahaasi

Waalidiintu waxa ay sheegeen in maalin ka dib laga helay labada gabdhood meel beer ah iyagoo la kufsaday abaarihii 7:30pm 31kii bishii March,

 

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/1864349093701165/

Agaasimaha cusbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf Xasan oo lagu dabiibayo labada gabdhood ayaa sheegay in dhibaato badan oo gaystay labada gabdhood.

“Labadan gabdhood oo midna ay tahay 4 jir, midna 3 jir waa la kufsaday, si xun ayaana dhaawac u gaareen, ilaahay waxaanu ka rajaynaynaa in gabdhahaasi xaqooda helaan oo dadkii falkaas geystayna cadaalada la horkeeno”

Waalidiin labada gabdhood ayaa ka codsaday dowladda iyo shacabka Somaliyeed caawinaad iyo in sharciga la horkeeno dadkii falkaas foosha xun geystay.