WARARKA




Trump oo ku hanjabay inuu fasax gelin doono Congress-ka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu fasax gelin doono Congress-ka, sababo la xiriira inaysan ansixin xubnaha uu xilalka sare uga magacaabay maamulkiisa, oo uu ku jiro madaxa hayโ€™adda madaxa banaan ee maamusha VOA.

Dastuurka Mareykanka ayaa dhigaya in xubnaha xilalka sare loo magacaabo ay cod aqalabiyad leh ku ansixiyaan Senate-ka.

Si kastaba haddii congress-ka uusan lahayn kal-fadhi, madaxweynaha ayaa sameyn kara magacaabis loogu yeero โ€œmagacaabista fasaxaโ€, taasi oo ku ekeeaneysa inta uu dhamaanayo kal-fadhigga xiga ee buuxa ee Congress-ka, haddii qofka la magacaabay aan la ansixin ka hor.