Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayip Erdogan ayaa diyaarad gaara oo caafimaad u dirta magaalada Malmo ee dalka Sweden oo halkaasi ka soo qaaday muwaadin Turki ah oo qaba cudurka Coronavirus, kadib markii isbitaallada Sweden ay diideen inay daweeyaan.
Diyaaradda gaarka ah ee caafimaad ayaa magaala Malmo saaka kasoo qaaday muwaadinka Turkiga oo lagu magacaabo Emrullah Gulusken oo 47 sano jir ahaa iyo saddex caruur ah oo uu dhalay, isagoo dib loogu celiyey dalkiisa, markii ay muuqaal xaaladiisa ku saabsan baraha bulshada ku faafisay gabar uu dhalay oo lagu magacaabo Samira.
Labada gabdhood ee uu dhalay ninkan Turkiga ah Samira iyo Leyla ayaa uga mahadceliyey madaxda Turkiga sida ay uga jawaabeen codsigooda, waxayna sheegeen inay ku faanayaan inay Turki yihiin.
Dhaqaatiirta Sweden ayaa tegay guriga qofka bukaanka ahaa markii la geeyay isbitaalka oo la ogaaday inuu qabo cudurka Covid-19 ayey dib ugu celiyeen Gurigiisa, taasoo keenay inay gabdhaha uu dhalay ninkan ay u qeylo dirsadaan dowldda Turkiga oo si degdega uga jawaabtay.