Qaar ka midah wadaaddada Islaamka ee Pakistan ayaa sheegay inay tukanayaan salaaddii Jimce dalka oo dhan, iyada oo ay jirtay mamnuucid la joojiyey isu imaanshaha dad badan, si looga hor tago fiditaanka Covid-19.
Toddobaadkan Horraantiisii, koox wadaaddo ah ayaa sheegay in bandawgu uu san qabanaynin masaajidda. Waxa ay sheegeen, in dadka waaweyni ay kula taliyeen in gurigooda ay iskaga tukadaan, masaajidduna ay raacayaan qorshaha kala fogaanshaha bulshada.
“Xaaladahan hadda jira, shanta salaadood oo ay la socdaan tallaabooyin taxaddar leh, waa muhiim”
Joojinta Pakistan, ee meelaha la isugu yimaaddo waxa u jirey toddobaadyadii la soo dhaafay, laakiin tiro badan ayaa se diyaar u ah inay u soo baxaan salaadda.
Ku dhawaad 7,000 oo qof ayaa la ogaaday inay xanuunkan qaadeen, dalka oo dhan, iyadoo la soo diwaangeliyey 120 dhimasho ah illaa hadda.