Tirada dhimashada la shaaciyay Ecuador ayaa ahayd 403, balse kiisaska tirada dhimashada ee cusub ee hal gobol ayaa gaartay kumanaan qof.
Dowladda ayaa sheegtay in 6,700 oo qof ay gobolka Guayas ku dhinteen labadii toddoobaad ee ugu horreysay bishan April. Guayas ayaa ah magaalada ugu weyn dalkaasi, aad ayuuna u saameeyay xanuunkan dunida halakeeyay.
Muuqaal ay heshay BBC-da ayaa muujinaya dadka deegaanka oo meydka guryahooda ku haya muddo ka badan shan maalmood.
Waxay sheegen in maamulka uu awoodi kari waayay inuu hayo oo xakameeyo tirada dhimashada ee sare u kacday, taasi oo sababtay in meydadka oo lagu duubay marooyin ay iska yaallaan guryaha qoysaskooda iyo xitaa waddooyinka.
Dowladda ayaa toddobaadkii hore bilowday iney qeybiso kumanaan naxashka meydka lagu qaado, waxaa sidoo kale la sameeyay nambar ay ka wacdaan dowladda si looga caawiyo in meydka laga qaado.
Shaqaalaha caafimaadka ee dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay hadda dhibaato weyn kala kulmayaan aruurinta meydadka dadkii dhintay maalmihii lasoo dhaafay – kuwaasoo kaliya aan u geeriyoonin xanuunka coronavirus balse u dhintay sababo kale.
Qaraabada dadka meydadkooda la tuuray ayaa soo tabiyay inay waqti badan oo mararka qaar ilaa 4 maalmood ah sugayeen in laga qaado meydadka, iyadoo qaarkood ay iska dhigeen guryahooda bannaankooda.