War Cusub-Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somaalida Itoobiya Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Laamaha Amaanka ee Dawladiisa.

Jigjiga(GNN):-Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Musatafe Muxumed Cumar ayaa waxaa la Xaqiijiyey in uu sibedel Cusub ku sameeyey Xubnaha sare sare ee hoggaanka Nabadgelyada dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya.

Madaxweyne Mustafe ayaa xilalkii ka qaadey Afar xubnood oo kamid ahaa saaxiibadii ugu dhawaa ee hoggaanka Nabadgelyada,isaga oo Magacaabey Xubno kale,kuwaas oo kala ah.

1: Hoggaanka Nabadagalyada deegaanka waxaa lo Magacaabey Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

2: Hoggaanka Sirdoonka deegaanka waxaa loo Magacaabey Cabdi Siigaale Cabdi.
3: Hoggaan ku xigeenka Nabadsugida deegaanka ayaa waxaa loo Magacaabey Xirsi Maxamuud Dool.

4: Kaaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidamada ayaa waxaa loo Magacaabey Cabdiraxmaan Yuusud Daac.

Si kastaba Isbedelkan Madaxweynaha Dowlad deegaanka soomaalida uu ku sameeyey xubnaha Sar sare ee Hoggaanka Nabadgelyada deegaanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli warar soo baxayay ay sheegayaan in uu Madaxweynaha ka badbaadey Afgambi ay soo abaabuleen kooxo ka sii dab qaadanaya maamulkii hore cabdi cabdi iley.Walo ay dhanka kale jiraan khilaafyo soo jiitamayey oo u dhexeeyey madaxda sare Maamulka dawlad deegaanka somalida.

Gabiley News Network Kala Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Arrimahaasi.