War Deg-Dega-Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cusbitaal.

London(GNN):-Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa isbitaal la dhigay ka dib markii 10 maalmood ka hor laga helay Coronavirus, sida laga soo xigtay Downing Street.

Waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada London ka dib markii calaamadaha Fayraska Corona ay ku sii siyaadeen sidoo kalana waxaa sare u kacay heerkulkiisa.

Raysal Wasaaraha ayaa weli mas’uul ka ah dowladda balse wasiirka arrimaha dibadda ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyo kulan Isniinta looga hadlayo Fayruska Corona. Mr Johnson ayaa lagu wadaa in caawa uu ku nagaado isbitaalka.

 

Gabiley News Network

Exit mobile version