Wasiir Ka Tirsan Jubbalanad Oo Laga Helay Caabuqa Covid-19

Maamulka Jubaland ayaa shaacisay in wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedkaasi  Mahdi Muxyadiin Maxamed laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka mid ahaa dad laga baaray cudurka Covid-19 oo ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka, wuxuuna noqday qofkii lixaad ee ku sugan degaanadda Jubbaland oo laga helo cudurka.

Mahdi Muxyadiin Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 21-kii Bisha April uu iska dareemay cudurka markii isku arkay hindhisyo badan, kadibna uu Guriga joogay, isagoo maalmo kadib ay xaaladiisu sii xumaatay, isagoo la xiriiray Guddiga Jubbaland u qaabilsan Coronavirus, iyadoo xaaladiisa lala tacaalay, haddana uu dareemayo xaalad soo hagaageyso.

Baaritaanka uu sheegay in laga qaaday axadii hore ayuu helay Jawaabta oo ah inuu qabo cudurka Covid-19, wuxuuna caddeeyay inuusan ogeyn haddii uu dad kale ka qaadeen, laakiin markii uu cudurka dareemay uu si weyn ugu dadaalay, iskana dhowray dadka.

Xaaladda caafimaad ee wasiirka la sheegay inay fiican tahay, wuxuuna ku jiraa is-karaantiil uu ku galay Gurigiisa, magaalada Kismaayo.

Exit mobile version