Waxay Dileen Muwaadin Soomaliyeed Iyagana Isla Goobtii Baa Lagu Dilay

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay laba nin oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, ka dib markii ay dileen nin ganacsade ahaa.

Labadaasi nin ayaa waxay dilka ka gaysteen xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Dharkiinley, waxaana ku baxay Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Booliska iyo labadaasi nin uu dhex maray is rasaaseyn, taasoo ugu dambeen suurtagelisay in la dilo xubnahaasi.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Gudoomiyaha Degmada Wadajir oo goobta gaaray ayaa boggaadiyay tallaabada ay Ciidamada Booliska kaga hor joogsadeen inay baxsadaan dembiile-yaasha.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir ayaa u mahaceliyay Ciidamada Booliska, iyadoo dhanka kalana uu shacabka ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyan hay’adaha ammaanka.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in ninka ganacsadaha ee lagu dilay xaafadda Kaawo Godey lagu magacaabi jiray (Aboorey).