Xubnaha Ka Danbeeyey Afgambi Dhicisoobay ee la Rabay In Xilka Lagaga Tuuro Madaxweyne Mustafe Cumar,+Tirada Masuuliyiin La Xidhay.

Jigjiga(GNN):-Afgambigii ay qaar ka mid masuuliyiin Sarsare oo ka tirsanaa Xukuumada Mustafe Cagjar oo ay horkacayeen Maddaweyne kuxigeenka Mustafe Cagjar Adan Faarax,Hogaankii nabad galyada Degaanka Cabdi Caadil iyo Higaankii Ciidamada sirdoinka Degaanka Ilyaas, iyo waliba Hogaanka Ciidamada Illalada Maddaxtooyada.

Wararka la xaqiijiyey ayaa cadaynaaya in Kooxda Afgambigaasi waxay uu ahaan mid ay mudo ka soo shaqaynaayeen. Afgambigaasibwaxa uu ahaan afganbi lagu soo dhisay Dawlad dhamaystiran. Waxa Afgambigaas lansocday oo insha Ku hayey Ciidanka sirdoonka Federaalka oo dabadeedna fashiliyey Afgambigaasi saaka.

Waxa iminka amaanka Degaanka gacanta Ku Haya hay,adaha Dawlada Federaalka oo taageersan Mustafe Cagjar.

Maalmahan waxaa socday abaabulo iyo kooxaysi siyaasadeed taasi oo ay saamaysay geedi socodka siyaasada dawlada federalka waxaana jiray shirar hoos hoose balse sirdoonka dawlada federalka iyo garabka madaxwaynaha waa mustafee

Mudo dheerba waxa Degaanka jira Hirdan sitaasadeed oo qabyaaladaysan oo ka dhaxtaagnaa siyaasiyiinta ugu saraysa ee degaanka. Waxaa maalintii talaadada galinkii danbe saacadu markay ahayd 4:45 waxaa xafiiska nabadgalyada shirku galay masuuliyiin sarsare uu kamid yahay hogaanka nabad galyada iyo protokolka madaxwaynaha cabdiqaadir bisle halkaasi oo lagu qorshaynahayay sidii xilka looga qaadi lahaa madaxwayne mustafe waxaana la balamay habeenkii.
Masuuliyiinta ka qayb galay shirarkaasi ee waday shirqoolka waxaa ku jiray shaqsiyaad gudi fulin balse waxa ay ahaayeen kuwo taageersan garabka mustafe cagjar wada shaqayna laleh sirdoonka dawlada federalka waxayna  jabiyeen kooxdii kale.
Cabdiqaadir bisle oo ah protocolka madaxwaynaha ahna xigtasiisa ayaa maalmahan kala fogaa waana shaqsiga qorshaha kala tuurka hogaaminahay sidoo kalena ku dhaliyay hogaanka nabadgalyada mudane cabdi caadil oo ah shaqsi ay bulshadu jeceshahay.
Raysal wasaaraha dawlada federalka ayaa arinta si isdaba joog ah ula socday waxayna u egtahay mid ka hor imanaysa geedisocodka siyaasadeed ee xisbiga uu hogaanka kayahay.

Masuuliyiinta ilaa hada laga talaabo qaatay
1.cabdi caadil xasan:hogaanka nabad galyada.

2:cali sabriye:kuxigeenka komishinka booliska
3:cabdilaahi gisile:maareeyaha ttc
4:ilyaas:madaxa sirdoonka deegaanka
5:korneyl jawhar:madaxa ilaalada madax tooyada