Askar ka tirsan Puntland oo Hub farabadan la goostay.
Wararka aan ka helayno Gobalka Gobalka bari, gaar ahaana Deegaanka Af-Urur ayaa ku soo warramaya in ciidamado ka tirsan Daraawiishta Puntlans oo halkaas ku sugnaa ay hub la goosteen.
Ciidamadaan oo ahaa kuwo dhawaan uu madaxweynaha Puntland Tababar ugu soo xiray xerada Xorgable ee Gobalka Karkaar ayaa waxa ay la fakateen hubkii ay wateen.
Qoryaha fudud ee u badan Ak47 iyo BKM qoriga ay soomaalidu u taqaan ayey la goosteen Ciidmadaasi, waxaan la sheegay in ay ula baxsadeen dhanka Gobalka sanaag, lamana yaqaan in ay gudaha u galeen Somaliland.
Taliyaha Ciidamada Puntland ee Gobalka Sanaag oo ku sugan magaalada Badhan ayaa amar ku bixiyey in la soo qabto Ciidamadaas si sharciga loo hor geeyo.