Askarigii shaqada ku waayay dhimashada ninka madowga ah oo xabsiga la dhigay.

Minieapolis(GNN):-Nin laga eryay xubinnimada ciidanka booliska Mareykanka kaddib dhimashadii nin madow ah oo aan hubeysneyn ee ka dhacday magaalada Minneapolis ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay saraakiisha sheegeen.

Derek Chauvin wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd.

Kiiskan ayaa sii xoojiyay carada shacabka Mareykanka ee ku aaddan dilalka ay boolisku u geystaan dadka madowga ah.