Barcelona Oo Soo Ban Dhigtay Khasaaraha Uu Gaadhsiiyey Covid-19

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa soo bandhigtay khasaaraha soo gaadhay muddadii uu jiray xanuunka Coronavirus, kaas oo albaabada u laabay ilihii ay dakhliga ka heli jirtay, isla markaana lacag la’aan dhigay.

Kooxda reer Spain ayaa waxay qaadday tallaabo ay mushahar dhimis illaa 70 boqolkiiba ah oo ay ciyaartoygeeda ku samaysay, sidoo kalena waxa la filayaa inay hirgeliso qorsheyaal kale oo miiska u saaran oo ay ka mid yihiin in mar kale dib loogu laabto ciyaartoyda oo 2% kale laga jaro mushaharkooda qaybtii u dhinnayd.

Jordi Cardoner oo ah Madaxweyne ku-xigeenika Barcelona ayaa waxa uu sheegay in muddadii labada bilood ahayd ee ay jirtay dhibaatada xanuunka Coronavirus ay kooxdiisu khasaartay lacag dhan £121 milyan.

Khasaarahan ayaa iskugu jira dhawr meelood oo ay filayeen inay lacago kasoo galaan oo ka baaqday iyo kharashaadkii joogtada ahaa oo sidooda ay u bixinayaan sida mushaharooyinka, kirooyinka iyo waxyaabaha kale.

Iibka tigidhka daawadhaada ayaa £44 milyan oo Gini oo kasoo geli lahaa ay ka baaqdeen muddadan iyo booqashooyinka madxafka ah, waxaana u raacay £34 milayan oo Gini oo kale oo uga soo xeroon lahaa telefishanka baahinaya ciyaaraha iyo £20 milyan oo Gini oo kale oo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga sida dukaamada dharka iyo iskuullada kubadda cagta ah oo iyagana aanay waxba uga imannin.

Cardoner oo waraysi siiyey warbaahinta Maraykanka ee ESPN, ayaa waxa uu yidhi: “Waxa si aad ah u yaraaday dakhligii nasoo geli lahaa. Tani waa xaqiiqo hubaal ah oo aanu maanta ognahay. Malaayiintani waxay noqon doonaan khasaarahayaga dhamaadka sannadka.”

Exit mobile version