Burundi oo ku amartay wakiilka WHO in uu isaga baxo dalkaas

Burundi ayaa ku amartay wakiilka gaarka ah ee Ha’yadda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan dalkaas iyo saddex khuburro oo qaabilsan arrimaha caafimaadka in si degdeg ah ay waddanka uga baxaan.

Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa lagu sheegay in wakiilka WHO ee Burundi Dr Walter Kazadi iyo saddex qof oo kale in muddo 48 sacaadood gudahood ay isaga baxaan halkaas isla markaana aanan laga rabin dalka oo aysan ka shaqeyn karin.

Wasiirka arrimaha dibadda Burundi Ezechiel Nibigira kama uusan hadlin arrintani balse ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda ayaa BBC u xaqiijiyay warqadda kasoo baxday wasaaradda.

Dowladda ma aysan sheegin sababta saraakiisha Ha’yadda looga saaraya dalkaas.

Waxaa dowladda Burundi lagu dhaleeceeyay tallaabada ay ku qabanqaabineyso doorasho xilli uu dunida ka taagan yahay safmarka feyraska Korona.

Arbacadii, Ha’yadda la socdka xasradaha caalamka waxay shaki gelisay kiisaska cudurka ay dowladda xaqiijisay.

Burundi waxay xaqiijiyay ilaa 15 kiis oo cudurka Korona ah iyo dhimashada hal qof.

ABP@ABPInfos

-Le Ministère des affaires étrangères du Burundi a adressé une note verbale au Bureau de la représentation de l’OMS pour l’Afrique, déclarant le représentant de l’OMS au Burundi et 3 experts “persona non grata” et “doivent quitter le territoire du Burundi avant le 15 mai”

Exit mobile version